LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

10 Risk Things For Children Health ( 10 waxyaabood oo halis ku ah caafimaadka carruurta )



Waa mid muhiim aad u ah in waalidiinta ama daryeelayaasha caruurtu ay ogaadaan waxyaabaha halista ku ah caafimaadka carruurta guud ahaan, si looga hortago waxyeello soo gaadha. Halkan waxa aynu ku soo gudbin doonaa 10 waxyaabood oo halis ku ah caafimaadka carruurta:

1. Cuntooyinka warshadaysan

Sida cunista cuntooyinka ay sokortu ku badan tahay iyo kiimikooyinku ay ku jiraan waxay sababi karaan buurni, sonkorow, iyo dhibaatooyin caafimaad oo kale sida ilko xanuunka..

2. Sigaarka iyo qiiqa

Qiiqa sigaarka wuxuu kordhiyaa halista cudurada ku dhaca habdhiska neef mareeka, qufac joogta ah, iyo infekshannada kale ee asiiba hanaanka neef-mareenka.

3. Elektaroonig badan

Waqti badan oo ay caruurtu daawadaan shaashadaha sida moobaylka, tablekat ama TVga waxay sababi karaan hurdo la’aan, dhibaatooyin xaga araga indhaha ah, iyo horumar maskaxeed oo gaabis ah.

4. Dareen jab iyo jirdil

Waxay dhaawacaan koritaanka maskaxda, kalsoonida, iyo caafimaadka nafsiga ah ee carruurta.

Waxaana la soo jeedinayaa in aan ilmaha lagu qeylin. lana gaaraacin si aanay saameyn ugu geysan koritaankiisa.

5. Hurdo la’aan

Carruurtu waxay u baahan yihiin hurdo ka badan qofka weyn si ay u koraan, wax u bartaan, ugana bogsadaan si dhakhso ah cudurrada. Hurdo la’aantu waxay keentaa dhibaato xagga waxbarashada iyo anshaxa caruuurta xilliga koriinka.

6. Daawooyinka aan dhakhtar qorin

Daawooyinka sida antibiotic-ka ama xanuun baabi'iyeyaasha kale  ee aan habboonayn waxay keeni karaan xanuun kale ama caabbinta daawooyinka.

Sidaa darteed, waxaa waalidiiinta, loo soo jeedinayaa inay la tashadaan qof aqoon u leh caafimaadka ka hor intaanay ilmaha siinin dawooyinka, si looga baaqsao dhibaatooyinka ay keeni karaaan.

7. Nadaafad darro

Gacmo aan la dhaqin, cuntada wasakhaysan, ama musqulo aan nadiif ahayn waxay keeni karaan shuban, caabuq caloosha, iyo infekshan.

Hadaba, si ilmaha looga badbaadiyo cudurada ka dhasha gacmaha aan la dhaqin ku dedaal inaad barto sida gacmaha loo dhaqo ama loo maydho, cuntada ka hor iyo marka musqusha laga soo baxo isagoo adeegsanaya biyo iyo saabuun.

8. Sunta guriga la dhigto

Carruurtu si sahal ah ayay u taaban karaan ama u cabin karaan sumaha wax lagu nadiifiyo ama dawooyinka, taasoo keeni karta ku sumawga waxyaabahaas halista.

Si dhibaatooyinkaa looga badbaadiyo caruurta ka fogee meelaha ay ka arki karaan ama ku xidh meelo kale oo aanay gaadhi Karin had iyo jeer dawooyinka iyo sumaha wax lagu nadiifiyoba.

9. Meelaha Lagu Ciyaaro

Ku ciyaarista meelaha aan badqabkoodu aanu sugnayn (sida meelaha aad u dhaadheer ama waddooyinka khatarta ah) waxay keeni karaan dhaawacyo halis ah.

Waxaana haboon in caruurta lagu ciyaarsiiyo, meelo badqabkoodu sareeyo si loo yareeyo waxyeelada soo gaadhi karta oo sababi karta dhaawacyo.

10. Talaalada Mihiimka ah

Talaal la’aantu waxay carruurta u nugleeysaa inay ku dhaci karaan cudurro khatar ah sida jadeecada (measles), dabaysha (polio), iyo cagaarshowga.

Waxaana mihiim ah in had iyo jeer ilmaha la siiyo talaalada lagama maarmaanka u ah, si looga hortago cuduradaas faafa.

Gaba-Gabo: Carruurtu waxay u baahan yihiin daryeel iyo ilaalin dhammaan dhinacyada caafimaadka, nafsiyadeed, bulsho, iyo deegaan ahaan intaba. Daryeel joogto ah iyo wacyigelin, badbaado joogta ah iyo horumar wanaagsan.

 


Post a Comment

0 Comments