LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

5 Cunto Oo Kelyaha U Roon ( Five Foods Good For Kidneys Health )

 



Ku ilaalinta kelyaha xaalad caafimaad kelyaha, waxay muhiim tahay badqabka guud ee qofka. Waa kuwan shan siyaabood oo lagu taageerayo nadiifinta iyo joogtaynta shaqada kelyaha;

1. Joogtaynta Biyo Cabida

Cabitaanka biyo badan waa habka ugu waxtarka badan ee si dabiici ah loogu nadiifin karo kelyaha. Waxay kaa caawineysaa in ay sunta iskaga soo saaraan, waxaanay ka hortagtaan dhagxannada kelyaha.

Waxaa talooyin caafimaad lagu soo jeedinayaa 8-10 koob oo biyo ah maalin kasta qoku in la cabo, iyadoo lagu saleynayo heerka waxqabadka iyo cimiladaada.

2. Cun Cunnooyinka Kelyaha U Wanaagsan

Cuntooyinka qaarkood waxay faa'iido u leeyihiin caafimaadka kelyaha, maadaama ay gacan ka geysan karaan yareynta bararka iyo ka hortagga cudurada kelyaha ku dhaca.

Cuntooyinka lagu taliyey, waxaa ka mid ah, Cranberries wuxuu ka hortagaa caabuqyada ku dhaca kaadi mareenka.

Caleenta Cagaaran; waa mid hodan ku ah fiitamiiino iyo macdano kaa taageeraya shaqada kelyaha.

Midhaha; waxaa ku badan antioxidants- ka, kuwaas oo kelyaha ka difaaca kelyaha free radicals, oo ah wax aka soo baxa marka cuntada la burburiyo.

Toonta, waxa ay yareysaa bararka iyo hoos u dhigida dhiig karka.

3. Yaree Sodium iyo Cuntada warshadeeyo

Sodium-ka xad-dhaafka ahi wuxuu culeesiin karaa kelyaha habsimi u socodka shaqada kelyaha, wuxuuna horseedi karaa dhiig kar, milixda/cusbadu waa mid halis ku ah kalyaha.

Iska ilaali ama xadid cunnooyinka la farsameeyo, sida cuntooyinka dariiqyada lagu iibiyo (Fast Foods), iyo kuwa qasacadaysan. Isticmaal badalka milixda, bisbaaska, toonta iyo cunto carfiyaasha kale,kuna bedel halkii cusbada ama milixda.

4. Jimicsi joogto ah

Dhaqdhaqaaq jidheed ee joogtada ahi sida (Jimicsiga) wuxuu gacan ka geysan karaa joogteynta helida miisaan caafimaad leh, yareynta cadaadiska dhiigga, iyo hagaajinta shaqada kelyaha.

Noocyada Jimicsiga; sida Socodka, orodka, wadida baaskiilka, iyo dabaasha ayaa kuwo u fiican wadnaha iyo caafimaadka kelyaha.

5- Isticmaalka xad dhaafka ah ee xanuun baa'yaasha

Si xad dhaaf ah u isticmaalida daawooyinka qaarkood, gaar ahaan dawooyinka anti-inflammatory nonsteroidal (NSAIDs) sida dawada ibuprofen, waxay waxyeeleyn karaan kelyaha, qaadashadooda waqti ka dib.

La tasho, khabiir caafimaad, sida dhakhtar iyo adeeg bixiyaasha daryeelka caafimaadka si loo ogaado heerka shaqo ee kelayaha, iyadoo baadhid joogta ah lagu sameynayo ka hor intaanad u istcimaalin si halis ku ah shaqada iyo caafimaadka guud ee kelyaha.

Post a Comment

0 Comments