LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Symptoms Of High Blood Pressure ( Calaamadaha Dhiig Karka )



Waa kuwan calaamadaha lagu garto cudurka Dhiig Karka (Hypertension), waxaynu si  faahfaahsan u sharxaynaa, sida lagu garan karto, iyo talooyin ku saabsan sida qofku u xakayn karo xaaladan caafimaad. 

 

Waa Maxay Dhiig Karka?

Dhiig karka (Hypertension) waa marka cadaadiska dhiigga ee xididdada dhiigga qaadaa uu aad u kaco wakhti dheer. Tani waxay keeni kartaa dhaawac joogto ah soo gaadha wadnaha, maskaxda, kelyaha, iyo qaybaha kale ee jidhka ah. Mararka qaar looma arko calaamado si cad u muuqda, waana sababta loogu yeedho "dilaaga aamusan".

10 Calaamadood oo Muujin Kara Dhiig Karka Sare

1. Madax Xanuun Joogto ah oo Daran

Waxaa laga yaabaa in dhiig karka sare uu sababo madax xanuun gaar ahaan qeybta dambe ee madaxa. Caadiyan wuxuu sii xoogeysaa subaxdii.

2. Madax Wareer

Dhiig karka aad ka u sareeya wuxuu saameeyaa wareegga dhiigga maskaxda, taasoo keeni karta wareer ama dawakhaad  “sida in dhulku kula rogmaayo”.

3. Arag Daciifa

Cadaadis sareeya ee dhiig wareegu wuxuu waxyeeleyn karaa xididdada indhaha (hypertensive retinopathy), taasoo aragga daciifin karta iyana ugu danbeyntii.

4. Dhiig Sanka Ka Yimaada 

Xaalado dhif ah ayuu dhiig karka aadka u sareeyaa sababi karaa in dhiig ka yimaado qofka sankiisa, gaar ahaan haddii uu yahay mid aad ah u sarreeya.

5. Daal Joogto ah

Jidhka oo si xoog leh ugu shaqeeyo la tacaalidda cadaadiska dhiigga waxay keentaa daal badan. Tana waa sababta aynu marar badan u aragno in dadku ay ka cawdaan daal iyo waxqabad la'aan joogta.

6. Neefsasho Oo Adkaata

Wadnaha oo culays badan saaran yahay awgii ayaa sababi kara neefsashada oo qofkav ku adkaata, xitaa marka qofku nasanayo.

7. Xanuun Laabta ah ama Cadaadis Wadnaha Saaran

Calaamadahani waxay noqon karaan digniin ku saabsan khatar wadne xanuun ama xitaa wadne istaag. 

Waxaana loo baahan yahay, in qoku ku baraarugsanaado, dhibaatooyinka ka dhalan kara xaaladahan,

8. Qalqal Dareen ah, Hurdo La’aan ama Walaac

Dhiig karka oo sareeya wuxuu xidhiidh la leeyahay hurdo la’aan iyo dareen aan degganeyn, tanina waxay qofka ka dhigtaa mid ay ku yaraato hurdadu waana xaalad caafimaad daro oo u baahan in xilli hore wax laga qabto.

9. Dhiig-baxyo Gudaheeda Jidhka

Marka cadaadiska dhiigu uu sareeyo, waxaa suurtagal ah in xididdada yaryar ay dillaacaan, taas oo sababi karta xaalada " microbleeds", gaar ahaana waxay saamaeyn ku yeeelataa maskaxda.

10. Barar Gacmaha, Lugaha ama Indhaha Hoostooda

Bararka waxaa sababi kara culeyska saaran kelyaha iyo wareegga dhiigga, taas oo keenta in waxyaabo badan oo wasakh ahi jidhka dib ugu noqdaan sida cusbada ama milixda.

Xasuusin

Calaamadahan mar walba looma arko dadka qaba dhiig karka sare. Dad badan ayaa la nool dhiig kar aad u sareeya muddo dheer iyagoo aan dareemin wax calaamado ah ilaa uu sababo dhibaato caafimaad oo daran sida wadne xanuun, istaroog ama kelyaha oo fadhiista qofka.

Talosiin

  • Inaad si joogto ah u cabbirto dhiiggaaga, gaar ahaan haddii, qoyskaagu qabaan, ama aad tahay qof da'a ah.
  • La tasho dhakhtar haddii aad dareento calaamadooyinka kor ku xusan ama aad horey dhiig kar u qabtay.
  • Cunto caafimaad leh (cusbo yar, khudrad badan), jimicsi joogto ah, yareynta walbahaarka, iyo daawo qaadasho haddii loo baahdo waa mid muhiim ah.


 


Post a Comment

0 Comments