LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

What are the cause backbone Pains [ Waxyaabaha Sababa dhabar xanuunka ]

 


Halkan waxaa ku soo koobaynaa 10 arimood oo dhibaato ku keeni kara laf-dhabarta ( lafta xangulaha )

  1. Fadhi ama istaag muddo dheer – Gaar ahaan haddii aan la helin booska saxda ah, waxay keeni kartaa culays dheeraad ah oo dhabarka ah ku dhaca. 

  2. Qaab fadhi aan habboonayn (Bad Posture) – Sida fadhiga aan toosnayn ama madaxa oo hore loo foorariyo.

  3. Dhaqdhaqaaq xad dhaaf ah ama culays qaadid aan habboonayn – Gaar ahaan marka culayska si khaldan loo qaado.

  4. Miisaan dheeri ah (obesity) – Miisaanka xad-dhaafka ah wuxuu saaraa culays joogto ah oo laf dhabarta ah.

  5. Jimicsi la’aan – Murqaha dhabarka oo daciifa waxay sababaan xanuun iyo dhaawac fudud.

  6. Cunno aan nafaqo lahayn – Kalshiyaam iyo fitamiin D la’aantu waxay daciifisaa lafaha.

  7. Sigaar cabid – Waxay hoos u dhigtaa qulqulka dhiigga laf dhabarta waxayna kordhisaa khatarta dhaawac iyo xanuunada soo gaadha laf dhabarta.

  8. Werwer joogto ah – Walbahaarka wuxuu keeni karaa murqo xanuun, iyo xanuunada ku dhaca laf dhabarta.

  9. Dhaawacyo ( Jug ) Waxa ay si toos ah u waxyeeleeyaan laf dhabart iyo qeybaha kale ee jidhka, sida muruqyada.

  10. Xanuunada lafta saameeya Kuwani waa cudurro toos u waxyeeleeya lafta ama seedaha u dhow laf dhabarta.

Post a Comment

0 Comments